Africom oo faahfaahisay weerar ka dhacay Jubada dhexe

War-saxaafadeed ka soo baxay taliska Ciidamada Maraykanka ee ku sugan qaarada Afrika ee (AFRICOM) ayaa lagu faah faahiyey duqeyn dhinaca cirka ah oo uu ay ka fuliyey deegaan ka tirsan Gobolka Jubbada Dhexe.
Qoraalka Africom ayaa lagu sheegay in Ciidamada Mareykanka oo kaashanaya Saaxiibadooda Soomaaliya ay shalay oo ku beegneyd 23/2/2020 ay duqeyn dhinaca cirka ah ka fuliyeen Magaalada Dujuumma oo qiyaastii 6Km u jirta magaalada Bu’aale ee Gobalka Jubbada Dhexe,isla markaana ay la beegsadeen Xarumo ay ku sugnaayeen xubnha Al-Shabaab.
Weerarkaas ayaa Mareykanku sheegay inay ku dhawaceen Saddex Xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab,sidoo kalena ay ku taageerayeen Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee dagaalka kula jira Ururka Al-Shabaab,sida uu sheegay ku xigeenka Agaasimaha sirdoonka Mareykanka ee Taliska ku sugan Qaarada Afrika.
Ugu dambeyn Qoraalka Mareykanka ayaa waxaa lagu sheegay in la sii wadi doono howlgallada ka dhan ah Ururka Al-Shabaab si loo yareeyo awoodooda.
Todobaad gudihiis ayaa ciidamada Mareykanka oo kaashanaya Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya waxaa duqeyn ka fuliyeen deegaano ka tirsan gobolka Jubbada dhexe,maadaama gobolkaas intiisa badan ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab,hayeeshee ciidamada dowladduna ay wadaan howlgalo lagula wareegayo gobolka Jubada dhexe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here