Africom oo qiratay in duqaymaheeda Soomaaliya ay rayid wax ku noqdeen

Ciidamada Maraykanka ee howlagalada ka sameeya qaarada Africa ayaa qirtay in dad rayid ah ay waxyeello ka soo gaartay duqeymo dhinaca cirka oo ay ka fuliyeen gudaha dalka Soomaaliya.
Warbixin uu taliska Maraykanka Qaarada Afrika ee Magacooda loo soo gaabiyo (Africom) Isniintii soo saaray wuxuu ku sheegay in duqeyntaasi ay ku dhinteen 2 qof oo rayid. ah 3 kalana ay ku dhaawacmeen.
Warbixintu waxay intaasi ku dartay in dhanka kale lagu dilay 2 ka tirsan dagaalameyaasha ururka Al-shabaab.
Hay’adda Amnetsy International waxay dhankeeda ka sheegtay duqeynta uu Maraykanka ka fuliyey Soomaaliya 23-kii Bishii Fabraayo ee Sanadkaan in lagu dilay 1 qof oo beeraley ah iyo 1 qof ka mid ahaa shaqaalaha shirkad isgaarsiin oo Soomaaliya ka howlgasha ayadoo arintaasna uu Nasiib daro ku Tilmaamay taliyaha ciidamada Maraykanka ee Afrika Gen Stephen Townsend.
Wuxuu sidoo kale Tilmaamay inay Saaxibbada Soomaaliya u hayaan ixtiraam aad u sarreeya, aadna ay kaga xunyihiin dhacdadaas shacabku ay ku Waxyeeloobeen.
Warbixintu waxay ku doodeysaa in dadkaasi rayidka ay u dhinteen kaddib markii ay qarxeen miinooyin ay Ururka Al-Shabaab keydiyeen.
Warbixinta waxaa sidoo kale lagu xusay taliska ciidamada Maraykanka ee Afrika (Africom), inay 91 duqeymo oo dhinaca cirka ay ka fuliyeen Soomaaliya iyo Liibiya bilihii Fabruary bilowgeeda ilaa dhamaadkii March ee sanadkaan 2020.
Generaal Townsend wuxuu billaabay inuu soo saaro warbixin ku saabsan waxyeellada dadka rayadka ah ka soo gaarto duqeymaha ay fuliyaan seddexdi biloodba mar, si la mid ah warbixinta taliska dhexe ee Mareykanka ee Bariga dhexe uu soo saaro wallow markii hore ay iska fogeeyeen dhamaan eedaymahihii la xiriiray in howlgaladooda ay waxyeelo ka soo gaartay dadka Rayidka ah ee ku nool meelaha ku dhow halka duqaynta la fuliyay oo shabeelada Hoose ka tirsan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here