Afti maanta ka dhici lahayd Guinea oo dib loo dhigay

Waxaa dib loo dhigay afti lagu waday inay maanta shacabka wadanka Guinea ka qeyb qaataan si dastuurka wax looga beddelo.
Tani ayaa timid kaddib amar ka soo baxay madaxweynaha dalkaas Alpha Conde.
Amarka madaxweynaha kaddib waxay dibadbaxyo ka dhaceen caasimadda wadanka Guinea ee Conakry .
Mucaaradka wadankaas ayaa sheegaya in isbeddelka lagu sameynayo dastuurka uu sii kordhin doono muddo xileedka madaxweynaha oo ayna madaxweyne Conde oo hadda 81 sano jir ah u fududaan doonto inuu hoggaanka sii hayo 12 sano oo dheeraad ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here