Agaasimaha cusub ee shirkadda Korontada dalka oo la magacaabay

Xilka agaasimaha ama madaxa fulinta ee shirkadda korontada dalka ee KPLC ayaa waxaa loo magacaabay Bernard Ngugi .
Guddoomiyaha guddiga maamulo shirkaddan Maxbuub Macallim ayaa Mr. Ngugi ku tilmaamay shakhsi u qalmo shaqada loo igmaday.
Waxaa uu magacaabidda mas’uulkan u aaneeyay aqoon iyo khibrad durugsan oo uu u leeyahay arrimaha maaliyadda , dakhliga iyo xisaabaadka.
Mr. Ngugi ayaa dhankiisa ballanqaaday inuu shirkadda korontada ku hoggaaminayo qaab wanaagsan si waxqabadkeeda uu u noqdo mid muuqdo.
Waxaa uu xusay inuu dhaqangelinayo qorshaha istaraatiijiga ee 5-ta sano kaaso la dejiyay.
Agaasimaha cusub ee KPLC ayaa intaasi ku daray inuu diiradda saari doono xoojinta u adeegidda macaamiisha iyo fududeynta qeybinta korontada.
Xilkan ayaa bannaanaaday kaddib markii uu bishii kobaad ee sannadkii 2017-kii dhammaaday muddo xileedkii Ben Chumo halka maxkamadda ay hor istaagtay in mar kale qandaraaskii uu ku shaqeynayay la cusbooneysiiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here