Agaasimaha dacwad oogidda oo amray in la dardargeliyo baaritanada la xariira dahabka faaliska ah

Agaasimaha waaxda dacwad soo oogidda dalka Mr. Nuurdiin Xaaji ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay inuu ka war helay cod la soo duubay oo si weyn loo hadal hayo kaasi oo u muuqdo in madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta, madaxa mucaaradka Nasa Raila Odinga iyo wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Dr. Fred Matiangi lala xariiriyay ku lug lahaansahaha fadeexad ku saabsan dahabka been abuurka ah.
Codka ayaa laga dhex maqlayaa laba qof oo wada hadlaya oo midkood uu sheegayo in hoggaamiyaha dalka iyo madaxa mucaaradka ay arrinkan ka wada hadleen kaddibna wasiirka arrimaha gudaha lagu war galiyay.
Mr. Xaaji ayaa cambaareeyay faafinta codkan la duubay isagoo sheegay inay horseedi karto walaac aan loo baahnayn.
Agaasimaha waaxda dacwad soo oogidda ayaa sido kale hoosta ka xariiqay inay cabasho uga timid dad ay arrinkan saamaysay oo u sheegay in qofka fadeexaddan ka dambeeya uu in badan magaca madaxweynaha dalka si khaldan u adeegsaday.
Nuurdiin Xaaji ayaa dhanka kale abaanduulaha booliska ku amray inuu dardargeliyo baaritaanada ku aaddan fadeexaddan kaddibna uu warbixin u gudbiyo 7 maalmood gudahood.
Shacabka ayuu ugu baaqay in hadii ay hayaan macluumaad la xariira ka ganacsiga dahabka been abuurka ah ay ku war galiyaan maamulada baaritaanada qaabilsan si tallaabada habboon loo guda galo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here