Agaasimaha dacwad oogidda oo amray in la xiro barasaabka Migori

Agaasimaha waaxda dacwad soo oogidda dalka Mr. Nuurdiin Xaaji ayaa amar ku bixiyay in gacanta lagu dhigo barasaabka ismaamulka Migori Okoth Obado.
Waxaa loo haystaa fadeexad musuqmaasuqa oo la rumeysan yahay in lagu lunsaday 73.4 milyan oo shilin.
Mr. Nuurdiin ayaa ansaxiyay in dacwad lagu soo oogo guddoomiyaha iyo carruurtiisa kala ah Achola Dan Okoth, Susan Scarlet Okoth Jerry Zachary Okoth iyo Adhiambo Evelyn Okoth.
Tani ayaa timid kaddib baaritaano uu sameeyay guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC.
Waxaa sido kale dacwad lagu soo oogayaa qaar ka mid ah saraakiisha ismaamulka Migori iyo ganacsato qaab aan habbooneyn loo siiyay qandaraasyo.
Wararka ayaa intaa ku daraya in qandaraasleyda ay ugu dambeyn lacago ku wareejiyeen akoonada bangiyeed ee guddoomiyaha Migori iyo xubnaha qoyskiisa.
Lacagahan ayaa la bixiyay intii u dhexeysay miisaaniyad sannadeedkii 2013/2014 iyo 2016/2017.
Waxay wararku intaa ku darayaan in hantidan qayb ka mid ah lagu iibsaday guri ku yaalla xaafadda Loresho ee Nairobi waxaana dhismahaa lagu diiwaangeliyay magaca gabadha barasaabka Evelyn.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here