Agaasimaha dacwad oogidda oo amray in la xiro barasaabka Nairobi

Agaasimaha waaxda dacwad soo oogidda dalka Nuurdiin Xaaji ayaa amray in xabsiga loo taxaabo guddoomiyaha ismaamulka Nairobi Mike Sonko iyo qaar ka mid ah saraakiisha la shaqeeya.
Nuurdiin ayaa shir jaraaid oo uu dhawaan qabtay ka sheegay in shakhsiyaadkan su’aalo laga weydiin doono lacagaha dadweynaha ee la lunsaday.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay inay jiraan caddeymo wax ku ool ah oo loo cuskan karo eedeymaha ka dhanka ah Sonko iyo howlwadeenada kale.
Saraakiisha dowladda u qaabilsan fulinta amarrada ayaa laga dalbaday inay dabagal ku sameeyaan iskudayo ku saabsan in la farageliyo baaritaano socdo.

Nuurdiin Xaaji ayaa sido kale baaq u diray garsoorayaasha iyo xildhibaanada baarlamaanka isagoo dhanka kale soo hadal qaaday dacwado ka dhan ahaa laba ka mid ah guddoomiyaasha ismaamullada dalka.

Dhanka kale barasaabka ismaamulka Kiambu Ferdinand Waititu oo horay looga mamnuucay inuu xafiiskiisa ka shaqeeyo kaddib markii musuqmaasuq lala xiriiriyay ayaa sheegay inuu maanta furayo xafiis cusub oo uu bulshada soo dooratay uga adeegi doono .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here