Agaasimaha dacwad oogidda oo amray in la xiro maamule ku xigeenka Jaamacadda Masai Mara

Agaasimaha waaxda dacwad soo oogidda dalka Mr. Nuurdiin Xaaji ayaa amar ku bixiyay in xabsiga loo taxaabo ku xigeenka maamulaha Jaamacadda Masai Mara Mary Walingo iyo afar eedeysanayaal oo kale.
Arrinkan ayaa shaaca looga qaaday bayaan ay waaxdu soo saartay oo lagu daabacay barteeda rasmiga ee twittarka.
Shakhsiyaadkan ayaa loo haystaa inay lunsadeen 177 milyan oo shilin oo si aan habbooneyn loogala baxay akoonka bangiyeed ee Jaamacadda.
Mr. Xaaji ayaa sheegay inay jiraan caddeymo wax ku ool ah oo loo adeegsan karo eedeymaha ka dhanka ah mas’uuliyiintan.
Eedeysanayaasha kale ayaa ah gacan yaraha maamule ku xigeenka Jaamacadda ee qaabilsan maamulka , maaliyadda iyo qorsheynta Simon Kasaine ole Sano , John Almadi Obere ( madaxa culuunta iyo daryeelka ardayda , Anaclet Biket Okumu oo qaabilsan arrimaha maaliyadda iyo darawalka Prof Walingo Nuur Xasan Cabdi.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here