Agaasimaha dacwad oogidda oo dalbanaya in la xiro guddoomiyaha Nairobi

Agaasimaha waaxda dacwad soo oogidda dalka Mr. Nuurdiin Xaaji ayaa maxkamadda geeyay kiis uu kaga soo horjeedo tallaabo maalmo ka hor barasaabka ismaamulka Nairobi Mike Sonko uu ku soo magacaabay ku xigeenkiisa.
Mr. Xaaji ayaa dalbanaya in maxkamadda ay isbeddel ku sameyso damiin lacageed oo ay Sonko ku siidaysay 11-kii bishii Diseembar ee sannadkii hore.
Guddoomiyaha Nairobi oo lala xiriiriyay fadeexad musuqmaasuq oo la rumeysan yahay in lagu lunsaday 357.4 milyan oo shilin ayaa hadda bannaanka ku joogo 15 milyan oo damiin lacageed ah.
Hasa ahaate Nuurdiin Xaaji ayaa doonaya in maxkamadda ay meesha ka saarto go’aankii hore oo ay barasaabka mar kale xabsiga dib ugu celiso ilaa iyo inta laga soo gabagabeynayo dhageysiga dacwadda ka dhanka ah.
Mr. Xaaji ayaa ku doodaya in Mike Sonko uunan u hoggaansamin shuruucdii lagu xiray damiinka lagu daayay .
Maxkamadda ayaa barasaabka ka mamnuucday inuu iska xaadiriyo xafiiskiisa rasmiga ee uu bulshada ugu adeego si uunan faragelin ugu sameyn caddeeymaha loo cuskabnayo eedeymaha loo soo jeediyay.
Agaasimaha waaxda dacwad soo oogidda dalka ayaa sheegaya in Mike Sonko markii loo diiday inuu xafiiska tago ay micnaheedu ahayd inuunan waajibaadkiisa gudan karin taasoo ay qeyb ka tahay magacaabid.
Qaar ka mid ah qareenada dalka ayaa dhanka kale go’aanka maxkamadda u fasiray in Mike Sonko uu weli adeegsan karo waajibaadkiisa dastuuriga ah.
Guddoomiyaha ayaa tallaabada uu maalmo ka hor ku xigeenkiisa ugu soo magacaabay Anne Kananu ku sheegay mid ku saleysan dastuurka iyo xal u raadinta caqabadda dhanka hoggaanka ee caasimadda dalka ay wajahayso.
Maanta ayaa lagu wadaa in garsoore Douglas Ogoti uu dhageysto kiiska loo gudbiyay halka dacwadda ka dhanka ah barasaabka Nairobi Mike Sonko mar kale la soo qaadi doono 15-ka bishan koowaad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here