Agaasimaha dacwad oogidda oo doonaya in ciidamada taraafikada ay kaameero adeegsadaan

Agaasimaha waaxda dacwad soo oogidda dalka Mr. Nuurdiin Xaaji ayaa soo jeediyay in ciidamada qaabilsan kala hagidda baabuurta ee waddooyinka la siiyo kaameerooyin ay u adeegsan karaan howlahooda.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay inay lagama maarmaan tahay in sarkaalka uu sito kaameero yar oo duubaysa muuqaallada ku saabsan falal dambiyeedyada la gaysto.
Mr. Xaaji ayaa carrabka ku dhuftay in tani ay kaalin weyn ka qaadan karto in caddeymo wax ku ool ah loo helo eedeysanaha lagu soo oogo dembi ah inuunan u hoggaansamin shuruucda u degsan isticmaalka waddooyinka dalka.
Agaasimaha waaxda dacwad soo oogidda ayaa arrintan ka hadlay kaddib markii siyaabo kala duwan looga fal celiyay amar ka soo baxay booliska dalka .
Amarkaas ayaa ahaa in baaburkii lagu helo inuu sido rakaab xad dhaaf ah , darawalka kaxeynaya iyo taanbooyga laga qaadayo ganaax lacageed oo dhan 20,000 oo shilin.
Sido kale qof kasta oo rakaab dheeraad ah oo baska dhex taagan ayaa la saaraya 5000 oo ganaax ah.
Mr. Nuurdiin Xaaji ayaa abaanduulaha booliska Mr. Hilary Mutyambai ku amray inuu saraakiisha ammaanka siiyo kaameerooyin shaqadooda u fududeyn karo.
Mr. Xaaji ayaa sido kale sheegay in qofka rakaabka dheeraadka ah markii ay ciidamadu qabtaan in la doonayo in laga dalbado inuu baabuurka ka dego haddii uu diido kaddib la xiro.
19-kii bishan Diseembar ayay ahayd markii abaanduulaha booliska ee dalka Mr. Hillary Mutyambai uu digniin adag u diray qof kasta oo raaca baabuur buuxsamay kaasi oo ay saaran yihiin tirada rakaabka ee loogu talagalay.
Shir jaraaid oo uu qabtay ayuu ciidamada taraafikada amar ku siiyay inay dejiyaan oo ay tallaabo ka qaadaan rakaab kasta oo bas ama baabuur kale dhex taagan.
Waxaa uu ku nuuxnuuxsaday in qof kasta ay mas’uuliyad shakhsiyeed ka saaran tahay inuu iska xaqiijiyo in gaariga uu nafaas la fariisto leeyahay ka hor inta uunan galin.
Mr. Mutyambai ayaa si cad u sheegay inaan marnaba lagaa dhageysan doonin qiil ah darawalka ama taanbooyga ayaa igu cadaadiyay inaan baabuurka raaco .
Waxaa uu xusay in rakaabkii dheeraad ah ee la arko lagu dejinayo isla goobta iyadoo gaariga uu dadka kale sii geeynaya halka ay u jeedaan.
Amarkan ayaa ah mid la doonayo in looga hor tago shilalka waddooyinka ee galaafta nolosha shacabka ay ka midka yihiin rakaabka.
Shilalka dhacdo qaarkood ayaa loo aaneeya in baabuurka uu siday tiro ka badan inta rasmiga ah taasoo aan waafaqsaneyn shuruucda gaadiidka ee dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here