Agaasimaha dacwad oogidda oo furay tababar maalmo soconaya

Agaasimaha waaxda dacwad soo oogidda dalka  ayaa maanta si rasmi ah u furay kulan tababar oo la qorsheeyay inuu socdo afar maalmood.
Tababarka ayaa diiradda lagu saaraya kaalinta qofka dacwad oogaha uu ka qaadan karo in carruurta ay caddaalad helaan.
Mr. Xaaji ayaa sheegay in loo baahanyahay in dhammaan shakhsiyaadka ay arrintan khuseyso sare loo qaado aqoontooda si gaabad uunan ugu imaan la tacaalidda kiisaska la xariira carruurta.
Agaasimaha ayaa ku nuuxnuuxsaday in xafiiskiisa uu si dhow ula soconayo waxqabadka dacwad oogayaasha arrinkan loo xilsaaray.
Nuurdiin Xaaji ayaa carrabka ku adkeeyay in waaxda uu hoggaamiyo ay tixgelin gaar ah siiso carruurta sidaasi awgeedna aynan fududeysan dacwadaha noloshooda taabanaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here