Agaasimaha dacwad soo oogida oo amray in la xiro barasabka Tharaka Nithi

Agaasimaha waaxda dacwad soo oogida ee dalka (DPP) Noordin Xaaji ayaa amar ku bixiyay in la soo xiro oo dacwad lagu soo oogo barasaabka Tharaka Nithi Muthomi Njuki iyo sidoo kale sarakiil kale.
Waxaa lagu eedeeyay in si aan caadi ahayn uu qandaraas la xiriira mashruuc qashin aruuris ah uu u bixiyay kaas oo ku kacayo 34 milyan oo shilinka dalka.
Sida laga soo xigtay DPP, Westomaxx Investments Limited, oo ah shirkad soo gudbisay dukumiintiyo been abuur ah, ayaa la siiyay qandaraaska oo ku kacaya 34,998,500.00.
Xaaji ayaa hadda doonayaa in la soo qabto shakhsiyaadka kala ah
Onesmus Muthomi Njuki – Barasaabka ismaamulka Tharaka Nithi
Fridah Muthoni Murungi – Madaxa Sarkaalka Deegaanka iyo Kheyraadka Dabiiciga ah.
Floridah Kiende Nywigah – Kusimaha Agaasimaha, Soo iibsiga
Highton Muriithi Njue – Sarkaalka Maaliyadda
Teresia Kagoji Mburia – Sarkaalka Maaliyadda
Gawaarida Lee Mwenda Munene – Waaxda Wadooyinka, Kaabayaasha iyo Guryeynta iyo saraakiil kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here