Agaasimaha dacwad soo oogida oo amray in la xiro xildhibaan Aisha Jumwa

Agaasimaha Dacwad soo oogida Guud ayaa amartay xiritaanka iyo maxkamadaynta xildhibaanada Malindi Aisha Jumwa iyo lix sarkaal oo kale oo lagu eedeeyay in ay lunsadeen lacagihii Maalgelinta Horumarinta Degmooyinka ee (CDF) oo lagu qiyaasay Ksh.19 milyan.
lixda sarkaal ayaa horey u xireen saraakiil ka tirsan waaxda Baarista Dambiyada halka dabagal loogu wado Mrs Jumwa.
Waaxda Dacwad soo oogida ayaa sheegtay in Aisha Jumwa ay si been abuur ah uga heshay lacago shirkada Multerve Contractors Limited, oo ah shirkad qandaraas ku siisay dhismaha Xafiiska Waxbarashada ee deegaanka Malindi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here