Agaasimaha dacwad soo oogidda oo amray in la siidaayo nin eey qashay gaajo awgeed

Agaasimaha waaxda dacwad soo oogidda dalka Mr. Nuurdiin Xaaji ayaa amar ku bixiyay in xabsiga laga siidaayo nin lagu xiray ismaamulka Tharaka Nithi kaddib markii lagu eedeyay inuu eey qalay.
Mr. Xaaji ayaa qoraal ma muuqdo barta twitarka dhanka kale madaxa waaxda dambi baarista ee dowlad deegaankaasi ku amray inuu isagoo kaashanaya guddoomiyaha dowladda dhexe ku matalo Tharaka Nithi xaqiijiiyo sidii ninkaasi oo falkaasi ay gaajo u gaystay uu ku heli lahaa cunno ku filan.
Eedeysane Mr. John Munene ayaa la qabtay xilli uu ku sugnaa gurigiisa oo ku yaalla degmada Karimba ee deegaanka Maara.
Booliska ayaa ku eedeyay inuu qalay eey guriga u joogay isagoo niyeysan inuu cuno.
Waxay wararku intaasi ku darayaan in ninkan uu falkaasi ku kacay kaddib saddex maalmood oo uu gaajeysnaa.
Arrintan ayaa ku soo aadaysa iyadoo dhanka kale dowladda ay ku dadaalayso inay badbaadiso nolosha Kenyaanka macluul wajahaya abaaro saameyay awgeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here