Agaasimaha dacwad soo oogidda oo beeniyay inuu helay warqad baraha bulshada lagu faafinayo

Agaasimaha waaxda dacwad soo oogidda dalka Mr.Nuurdiin Xaaji ayaa beeniyay inay xafiiskiisa soo gaartay warqad dadweynaha ay isla dhex marayaan oo lagu faafinayo baraha bulshada ay ku wada xariirto.
Warqaddaasi oo aan weli si rasmi ah loo xaqiijin ayaa la sheegaya inay ka soo baxday ciidamada booliska caalamiga ee Interpol.
Qoraal la soo dhigay barta rasmiga ee twitarka waaxda dambi baarista dalka ayaa lagu xusay in waxyaabaha la faafinayo aan weli loo soo bandhigin Mr. Xaaji.
Macluumaadka ku qoran ayaa ah liiska magacyada shakhsiyaadka Kenyaanka ah oo ay Interpol raadinayso kuwaasi oo lala xariiriyay ka ganacsiga daroogada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here