Agaasimaha dambi baarista oo sheegay inaan la cabsi gelin karin

Agaasimaha waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da Mr. Geroge Kinoti ayaa sheegay inaysan jirin cid ka hor istaagi karta ama ku beeri karta cabsi ah inuu soo afjaro dagaalka ka dhanka ah musuqmaasuqa.
Mr. Kinoti ayaa xusay in isaga qudiisa lagu taageeray waxbarashada sidaasi awgeedna uu dareemayo in dalka uu leeyahay kheyraad ku filan oo ay lagama maarmaan tahay in laga ilaaliyo lunsasho.
Agaasimaha ayaa sheegay in dhawaan ay soo waceen dad uunan aqoon u lahayn oo u hanjabaya iyagoo ka dalbanaya inuu joojiyo tallaabooyinka xabsiga loogu taxaabo shakhsiyaadka lala xariiriyo falalka wax isdabamarinta.
Sido kale waxaa uu tilmaamay in xabsi dhigidda dadka ku lug leh musuqmaasuqa ay sii socon doonto.
Mr. Kinoti ayaa dhanka kale kalsooni buuxda u muujiyay agaasimaha waaxda dacwad soo oogidda dalka Mr. Nuurdiin Xaaji isagoo xusay in iskaashiga waaxyaha kala duwan uu miro dhal noqday.
Jimcihii ayay ahayd markii madaxa cadaaladda ee dalka Mr. David Maraga uu shaaciyay in la soo dhisayo maxkamad gaar ah oo qaabilsanaan doonto dhageysiga kiisaska musuqmaasuqa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here