Agaasimaha guud ee maamulka NMS oo u jaawaabay Sonko

Agaasimaha guud ee maamulka NMS ee loo xilsaaray bixinta adeegyada Nairobi Maxamad Badi ayaa hoos u dhigay tallaabada uu qaaday Guddoomiyaha ismaamulka Nairobi ,Mike Sonko kaddib markii uu ka laabtay heshiiska uu maamulka NMS ku la wareegay howlaha muhiimka ah ee caasimadda.
Janaraal Badi ayaa sheegay inuusan ka walaacsanayn ficilka uu sameeyay Sonko isla markaana NMS ay sii wadi doonto bixinta waajibaadka loo igmaday ee uu u magacaabay Madaxweyne dalka Mr Uhuru Kenyatta.
Mr Badi ayaa sheegay in maamulkiisa ku faraxsanyahay adeegyada uu siinayo dadka deggan magaalada Nairobi si kor lagu qaado noloshooda islamarkaana uu xusay in uusan cabsi ka qabin hadii Sonko uu maxkamdda dacwad u gudbiyo.
Madaxa NMS ayaa mar kale ku cel celiyay in NMS loo sameeyay danaha dadka deggan Nairobi kaddib markii Mr Sonko lagu soo oogay dacwado la xiriira musuqmaasuq isagoona lagala wareegay howlaha muhiimka ee Nairobi.
Shalay ayey ahayd markii uu Sonko uu ka laabtay heshiiskii u ku wareejiyay howlaaha muhiimka ee Nairobi.
Dhawaan ayey ahayd markii Sonko uu maamulkan oo uu hoggaamiyo Maxamad Badi ku dhaliilay maamul xumo.
Waxaa uu xusay in maamulkan NMS aynan dastuurka ku shaqeyn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here