Agaasimaha hay’ada Socdaalka Soomaaliya oo ka warbixiyay sharciga dhismaha Hay’ada oo wasiiradu Meelmariyeen

Kadib Markii shalay Golaha Wasiirrada xukuumadda fedraalka Soomaaliya ay meel mariyeen Hindise Sharciyeedka hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, Hindise Sharciyeedka Socdaalka, Xeerka lahaanshiyaha xuquuqda Daabacaadda, siyaasadda waxbarashada dalka iyo Hindise Sharciyeedka Ciidanka Booliiska ayaa waxaa Muhiimada sharciyada Sacdaalka ee la meelmariyay Faahfaahin ka Bixiyay Madax hay’ada Socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya.
Agaasimaha guud ee hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda Jamhuuriyada Soomaaliya Con. Maxamed Aadam Jimcaale Koofi ayaa xusay inuu sharciga hay’ada socdaalka iyo jinsiyadaha dib u habayn lagu sameeyye uuna la jaan qaadayo duniada ayadoo lagu soo kordhiyay waxyaabo badan oo aan horay ugu jirin.
Sidoo kale Agaasime Koofi ayaa bogaadiyay golaha wasiirada Soomaaliya ee sharciyada muhiimka ah meel mariyay.

Kulankii golaha Wasiirrada Soomaaliya ee shalay ayaa sidoo kale lagu ansixiyay Sharciga abuurka iyo Noocyada Dhirta, Sharciga Badbaadinta dhir-beereedka, siyaasadda Qaran ee Bacrimiyayaasha, siyaasadda Qaran ee dulin-dilayaasha, sharciga hey’adaha adeegyada baaritaanka beeraha iyo sharciga xakameynta kiimikooyinka beeraha loo isticmaalo.
Shirkaan oo uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa waxaa kale oo lagu ansixiyay Hindise Sharciyeedka Filimada iyo heshiis is-af-garad ah oo dhex maray wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada iyo shirkadda SAT Service LLC ee dhistay hoteelka garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cabulle Cismaan ee Magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here