Dhageyso:Agaasimaha Hay’da Socdaalka Soomaaliya oo booqday deegaanka Qaydar

Agaasimaha guud ee Hay’ada Socdaalka iyo jinsiyadaha dowlada Soomaaliya Maxamed Adan Koofi iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa Barxaduudeedka deegaanka Qaydar ee Gobolka Galgaduu halkaasoo ay ka socoto dhismaha Xarunta hay’ada Socdaalka iyo Jinsiyadaha.
Taliyaha ayaa waxa socdaalkiisa ku wehlinayay Taliyaha Guud ee Booliska Qaybta Galmudug,Gudoomiyaha degmada guriceel iyo Masuuliyiin kale soo indha indheeyay Barxaduudeedka deegaanka Qaydar ee gobolka Galgaduud halkaasoo ah Xaduuda Soomaaliya iyo iyo Ethopia.
Agaasime Koofi iyo Masuuliyiinta kala ee la socotay ayaa kulan la qaatay dadka deegaanka waxayna ka dhagaysteen warbixino ku saabsan xaalada deegaanka iyo sida ay tahay inay u wada shaqeeyaan Saraakiisha hay’ada Socdaalka ee ka howlgalaya Barxaduudeedka deegaanka Qaydar.
Gudoomiyaha degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud Faarax Macalin Cabdi ayaa Kormeerkaan iyo heerka uu Marayo dhismaha Barxaduudeedka Qaydar ka warbixiyay.

Agaasimaha guud ee Hay’ada Socdaalka iyo jinsiyadaha dowlada Soomaaliya Maxamed Adan Koofi Ayaa dadka deegaanka ka codsaday inays I dhow ula shaqeeyaan Saraakiisha Hay’ada Socdaalka ee deegaankaas ka Howlgalaya.

Agaasimaha guud ee Hay’ada Socdaalka iyo jinsiyadaha dowlada Soomaaliya Maxamed Adan Koofi oo Habeen ka hor ka hadlayay shirka laaamaha hay’ada ee Sadex biloodlaha ah oo lagu qabtay Magaalada dhuusamareeb ayaa sheegay inay sadexdii Sano ee la soo dhaafay ay si aad ah ugu dadaaleen Xakamaynta Ajaanibta dalka ku soo qulqulaya iyo dib u howlgalinta Baro Xaduudeeyo ka badan 15 oo laga Hirgaliyay gobolada dalka Soomaaliya ee Xaduudaha wadamada kale Xiga Wuxuuna sheegay in deegaanka Qaydar ee uu Maanta Booqday ka mid yahay meelaha Baro Xaduudyada ah ee dhismayaashoodu hada gabogabada yihiin.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here