Agaasimaha isbitaalka Nairobi oo shaqada laga joojiyay

Agaasimihi Isbitaalka Nairobi Dr Allan Pamba ayaa shaqada laga ceyriyay lix bilood uun kadib markii jagadaasi loo magacaabay.
Guddiga isbitaalka ayaa sheegay inay go’aansadeen inay joojiyaan qandaraaska Dr Pambas ka dib markii uu ku guuldareystay inuu fuliyo qorshaha waxqabadka isbitaalka.
Shaqa joojintiisa waxaa loo soo maray guddiga isbitaalka Nairobi iyagoona dib u eegis ku sameeyay waxqabadkiisa.
Dr Pamba ayaa bishii Maarso loo magacaabay Maareeyaha Guud ee isbitaalka isagoona xilka kala wareegay Dr Christopher Abeid oo ahaa ku simaha agaasimaha guud ka dib markii xilka laga qaaday Agaasimihii hore Gordon Odundo oo shaqada laga joojiyay bishii Abriil ee sannadkii hore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here