Agaasimaha maamulka NMS oo ka cabanaya dowladda hoose ee Nairobi

Agaasimaha guud ee maamulka NMS Maxamad Badi oo ay dowladda dhexe u xilsaartay maareynta qaar ka mid ah adeegyada shacabka ee caasimadda dalka ayaa sheegay inuu ka shaqeyn la’yahay dowladda hoose ee Nairobi.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in maamulka Mike Sonko uu caqabad ku noqday in NMS ay gudato waajibaadka loo igmaday.
Maxamad Badi ayaa tusaale u soo qaatay amarro maxkamadeed oo lagu hor istaagay dadaallada ay dadweynaha ugu adeegayaan.
Waxaa uu sido kale ku andacoonaya in lacagaha ismaamulka oo meelo kale loo weeciyay ay sababtay in aan la dardargelin howlaha maamulka uu hoggaamiyo.
Agaasimaha guud ee NMS ayaa sido kale sheegay inuu musuqmaasuq hareeyay nidaamka dakhliga ee caasimadda.
Xilli uu ka soo hormuuqday guddiga baarlamaanka ee qaabilsan arrimaha amniga ayuu sheegay in xita uunan dakhli soo galin maadaama lacagaha canshuur ahaan loo qaado lagu wareejiyo akoono shakhsiyeed.
Maxamad Badi ayay xubnaha guddigan weydiiyeen sababta aynan u bixin 1.2 bilyan oo shilin oo lagu yeeshay tan iyo markii la magacaabay wuxuuna xusay inay caqabad ka haysato dhanka dhaqaalaha.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here