Agaasimaha waaxda dacwad soo oogidda oo dib ugu celiyay faylalka baaritaanada ee KEMSA guddiga EACC

Agaasimaha waaxda dacwad soo oogidda dalka Mr. Nuurdiin Xaaji ayaa faylalka baaritaanada ee maamulka qaabilsan soo iibinta iyo qaybinta agabka caafimaad ee KEMSA dib ugu celiyay guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC si baaritaano dheeri ah loogu sameeyo, ka hor inta aan go’aan kama dambeys ah laga gaarin in dacwad lagu soo oogo lix sarkaal oo sare oo ka tirsan KEMSA ku waas oo lagu eedeenaya inay wax isdabarin ku sameeyeen qandaraas ku kacayay 7.7 bilyan oo shilin oo lagu soo iibiyay agabka la isaga difaaco cudurka cudurka Covid-19 ee (PPEs)
Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa 26-kii bishii Ogosto ee sannadkan hay’adaha dambi baarista u qabtay 21 cisho oo ay baaritaano dhameystiran kaga soo saarayaan fadeexaddan si weyn looga hadal hayo gudaha wadanka.
Bayaan ka soo baxay xafiiska Mr Nuurdiin Xaaji ayaa lagu sheegay in kooxda dacwad soo oogida ay kulan la qaadan doonaan guddiga EACC si loo dedejiyo baaritaanada musuqmaasuqa ee maamulka KEMSA.
Waxaa uu dhanka kale xusay inuusan weli helin warbixinta hanti dhowraha guud ee ku saabsan isticmaalka lacagaha Covid-19 oo ay bixisay KEMSA.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here