Agaasimaha waaxda dambi baarista oo iska fogeeyay amarkii lagu xiray saddex senatar

Agaasimaha waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da Mr. George Kinoti ayaa aqalka sare u sheegay in xafiiskiisa uusan ka war qabin amarkii horay loogu xiray saddex ka mid ah senetarrada dalka.
Waxaa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay in uu bixiyay amarkii bishii hore xabsiga loogu taxaabay Cleophas Malala, Dr. Christopher Langat iyo Steve Lelegwe si looga hor istaago inay ka qayb galaan dood ku saabsaneyd hannaanka ay ismaamullada wadanka ku qaybsanayaan dhakhliga.
Mr.Kinoti iyo abaanduulaha booliska dalka Hillary Mutyambai oo labaduba ka soo hormuuqday guddiga iskudhafka ee amniga, sharciga iyo caddaaladda ee aqalka sare ayaa dhanka kale xusay inaynan lahayn mas’uuliyadda hanjabaado senetarrada kala ah Cleophas Malala ee Kakamega, Christopher Langat oo matalo Bomet iyo dhigiisa Samburu Stephen Lelegwe ay sheegeen in lagula kacay.
Waxay sido kale waxba kama jiraan ku sheegeen inay jiraan saraakiil loo diyaariyay inay ka takhalusaan Malala.
Mr George Kinoti iyo abaanduulaha booliska Hillary Mutyambai ayaa loo qaabtay ilaa toddobaadka dambe si ay uu soo gudbiyaan warbixin dhameystiran oo kusabsan xarigii loo geystay saddaxdaasi senetar.
Waxayna sheegeen in wali ay socdaan baaritaano lagu ogaanayo dadka ka dambeeyay xariga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here