Agaasimaha waaxda DCI-da oo beeniyay inuu jiro shirqool lagu dili rabo senetarka Kakamega

Agaasimaha waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da Mr. George Kinoti ayaa meesha ka saaray sheegashada ah inuu jiro shirqool lagu dilo raba senetarka ismaamulka Kakamega Cleopha Malala.
Mr George Kinoti ayaa ku tilmaamay hadalkii senetarka uu aqalka sare ee dalka ka jeediyay u yahay mid been abuur ah islamarkaana u ugu tala galay inuu meel uga dhaca saraakiisha waxda DCI-da.
Agaasimaha waaxda DCI-da ayaa waxa uu ka dalbaday senetarka in uu raali gelin ka bixiyo hadalkii uu jeediyay
Mr Kinoti ayaa u sheegay guddi isku dhaf ah oo ka tirsan aqalka Senate-ka in hadii Mr Malala uu ku guul dareysteen inuu bixiyo raali gelin ay horseedi doonto in la xiro islamarkaana maxkamad la soo taago.
Senatarka ismaamulka Kakamega Cleophas Malala ayaa toddobaadki hore, ka hor ilmeeyay aqalka senetka xili su’aalo laga weydinayay eedeyn horay loogu soo jeediyay ee ahayd inuusan u hoggaansamin amarada lagu xakameenayo cudurka Covid-19.
Waxaa uu ilmadu ceshan waayay kaddib markii guddiga senetka uu ka hor sheegay inay naftiisa halis ku jirto oo ay dad daba socdaan kuwaas oo doonaya inay khaarijiyaan sida uu sheegay.
Dhanka kale mar aqalka sare arrintan ay wax ka weydiyeen agaasimaha waaxda DCI-da ayuu waxba kama jiraan ku tilmaamay in uu bixiyay amarkii bishii hore xabsiga loogu taxaabay Cleophas Malala, Dr. Christopher Langat iyo Steve Lelegwe si looga hor istaago inay ka qayb galaan dood ku saabsaneyd hannaanka ay ismaamullada wadanka ku qaybsanayaan dhakhliga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here