Agaasimaha waaxda socdaalka dalka oo ka hadlay qorshaha bixinta baasaboorada

Agaasimaha guud ee waaxda socdaalka dalka Mr. Alexander Muteshi ayaa sheegay in laga billaabo bisha toddobaad ee sannadkan hal maalin gudaheed lagu soo saaraya baasaboorka.
Waxaa uu sido kale hoosta ka xarriiqay in nambarka loo yaqaano Huduma Namba, uu fududeyn doono qaadashada baasaboorka dalka iyo dokumeentiyada kale ee ay bixiso waaxda uu hoggaamiyo.
Mr. Muteshi ayaa carrabka ku adkeeyay in la shaqaaleysiinayo 220 ah saraakiil cusub si ay shacabka ugu adeegaan.
Mas’uulkan ayaa hoosta ka xarriiqay inay ku dadaalayaan sidii xal loogu heli lahaa caqabadaha jiro oo ay ka mid tahay in helidda baasaboorka ay waqti dheer qaadato.
Mar la weydiiyay sababta aynan ugu guulaysan inay wadanka dib ugu soo celiyaan qareenkii la tarxiilay ee Miguna Miguna ayuu ku gaabsaday in arrintan ay maxkamadda gacanta ku hayso sidaas awgeedna uunan ka hadli Karin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here