Agaasimaha WHO oo karantiil galaya

Agaasimaha guud ee hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa sheegay inuu is karantiilaya oo uu gurigiisa ka soo shaqeyn doono.
Tani ayaa timid kaddib markii qof uu la macaamilay laga helay cudurka COVID19.
Qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ee Twittarka ayuu ku sheegay in xaaladiisa caafimaad ay wanaagsan tahay oo uusan isku arkin astaamaha lagu garto coronavirus.
Waxaa uu hoosta ka xarriqay in ay aad muhiim u tahay in cid kasta ay raacdo talooyinka caafimaad iyo tallaabooyinka lagula tacaalaya cudurka.
Cudurka COVID-19 oo dabayaaqadii sannadkii hore ka soo billowday magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha ayaa waxaa u dhintay ku dhawaad 1.2 milyan oo qof waxaa uuna caalamka oo dhan ku haleelay in ka badan 46 milyan oo qof.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here