Agaasimaha WHO oo soo dhaweeyay dadaallada lagu xoojinayo hay’adda

Agaasimaha hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO Tedros Adhanom ayaa maanta shir guddoomiyay kulan muhiim ah oo looga hadlayo wax ka qabashada cudurka COVID-19.
Waxaa uu sheegay inuu aad u soo dhaweynaya dhammaan dadaallada lagu xoojinayo waxqabadka hay’adda WHO.
Mr. Tedros ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin isbeddel kasta oo loogu daneynaya dadweynaha dunida.
Arrintan ayuu xusay xilli uu ka hadlayay kal-fadhiga heer wasiir ee ay yeelanayaan 194-ta xubnood ee WHO.
Kulanka oo markii ugu dambeysay la qabtay bishii shanaad ee sannadkan ayaa maanta oo Isniin ah dib u furmay.
Mr. Tedros ayaa hoosta ka xarriiqay in kiisaska cudurka ee caalamka ay hadda yihiin ku dhawaad 50 milyan halka dhimashada ka dhalatay ay tahay 1.2 milyan.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here