Agaasimayaasha dambi baarista iyo dacwad soo oogidda dalka oo la kulmay madaxa FBI-da

Qoraal la soo dhigay barta rasmiga ee twitarka waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa lagu sheegay in agaasimaha waaxdaasi Mr. George Kinoti iyo dhigiisa dacwad soo oogidda Nuurdiin Xaaji ay kulan la qaateen madaxa hay’adda dambi baarista Maraykanka ee FBI-da.
Labadan mas’uul ayaa hoggaaminaya wafdi Kenya ka tagay oo Maraykanka booqasho ku joogo.
Madaxa FBI-da Maraykanka Mr. David Bowdich ayaa Kinoti iyo Nuurdiin ku ammaanay sida ay isaga kaashanayaan la dagaalanka musuqmaasuqa iyo falal dambiyeedyada.
Waxaa uu labaduba u ballanqaaday tageerada buuxda ee xukuumadda Washington.
Sido kale agaasimayaasha ayaa ka wada hadlay arrimo la xariira la dagaalanka argagixisada.
Dowladda Maraykanka ayaa ballanqaaday inay gudaha Kenya ka dhisi doonto guddi iskudhaf ah oo qaabilsan ka hor tagga iyo la tacaalidda falalka argagixiso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here