Agaasime isbitaal oo u dhintay caabuqa Coronavirus ee Shiinaha

Wararka naga soo gaaraya Shiinaha ayaa sheegaya in agaasimaha mid ka mid ah isbitaallada ugu waaweyn ee wadankaas gaar ahaan magaalada bari ee Wuhan uu u dhintay caabuqa Coronavirus .
Warbaahinta dowladda ee xukuumadda Beijing ayaa ku warrantay in Liu Zhiming uu u geeriyooday firuusiga ilaa iyo hadda ay u dhinteen ugu yaraan 1,868 qof.
Waxaa uu ahaa agaasimaha isbitaalka Wuhan Wuchang Hospital, saaka ayuuna geeriyooday.
93 kiis oo dhimasho dheeraad ah ayaa laga soo tabiyay gobolka Hubei halka 5 kalena laga diiwaangeliyay qeybaha kale ee dalkaas sida laga soo xigtay guddiga qaran ee caafimaadka.
Tirada guud ee kiisaska Coronavirus ee ilaa iyo hadda lagu arkay gudaha Shiinaha ayaa gaaraysa 72,436.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here