Agaasimihii hore ee maamulka badaha dalka oo la xiray

Guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC ayaa xabsiga u taxaabay Kiplagat Cherop oo horay agaasime guud uga soo noqday maamulka qaabilsan maareynta arrimaha badaha.
Mr.Cherop ayaa lala xiray toddobo eedeysanayaal oo kale waxaana dhammaantood loo haystaa falal musuqmaasuqa.
Eedeysanayaasha ayay EACC sheegay inaynan u hoggaansamin shrucuuda u degsan soo iibsashada qalabka xilli la bixiyay qandaraas lagu dhisayay dhisme dabaqyo badan ka kooban.
Mashruucaas ayaa laga hirgeliyay Mbaraki oo ka tirsan Mombasa.
Tallaabadan shakhsiyaadkan lagu xiray ayaa timid kaddib amar ka soo baxay agaasimaha waaxda dacwad soo oogidda dalka Mr. Nuurdiin Xaaji.
Mr. Xaaji ayaa amray in la xiro kaddibna dacwad lagu soo oogo 12 eedeysanayaal oo loo haysto dembiyo kala duwan.
EACC ayaa sido kale sheegtay in dadkan ay wax ka beddeleen qandaraas lagu lunsaday ilaa 205 milyan oo shilin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here