Agaasimihii hore ee maamulka KPA oo la xiray

Agaasimihii hore ee maamulka dekadaha dalka ee KPA Daniel Manduku ayaa xabsiga loo taxaabay kaddib amar shalay ka soo baxay agaasimaha waaxda dacwad soo oogidda wadanka Mr. Nuurdiin Xaaji.
Waxaa loo haystaa qandaraas lagu soo iibiyay qalab oo ku kacayay 244 milyan oo shilin kaasoo si aan habooneyn loo bixiyay.
Waxay wararku intaa ku darayaan in mas’uulkan su’aalo lagu weydiinaya xarunta dhexe ee waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ka hor inta aan maxkamadda la soo taagin.
Waxaa maxkamadda ka soo hormuuqan doono mas’uulkan hore u iyo Juma Fadhili Chigulu oo ah sarkaalka KPA ee ansaxiyay in lacagtan la bixiyo.
Mr. Nuurdiin Xaaji agaasimaha dacwad oogidda dalka ayaa sheegay in baaritaano kaddib la helay caddeymo wax ku ool oo loo cuskan karo eedeymaha ka dhanka ah labada shakhsi ee la qabtay.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here