Agabka la isaga difaaco COVID19 ee PPEs oo loo qaybinaya ismaamullada

Hay’adda bangiga Equity u qaabilsan barnaamijyada bulshada ee Equity Group Foundation iyo sanduuqa guddiga dowladda Kenya ay u xilsaartay ka falcelinta cudurka COVID-19 ayaa billaabay inay dhammaan 47-da ismaamul ee uu wadanku ka kooban yahay ay gaarsiiyaan agabka loo yaqaano PPEs.
Waa markii labaad ee qalabkan oo lagu sameeyay gudaha dalka loo qaybinaya isbitaallada dowladda.
Waxaa adeegsan doono dhakhaatiirta safka hore uga jira la tacaalidda cudurka .
Sidoo kale waxaa ka faa’iidaysanaya ardayda baranaya culuunta caafimaad gaar ahaan kuwa ay waxbarashadoodu gabagabo tahay ee dhigta 11 jaamacadood.
Jaamacadahan waxaa ka mid ah University of Nairobi, Moi University, Kenyatta University, JKUAT , Maseno ,Masinde Muliro ,Egerton ,KEMU, MKU iyo Uzima .
Qiimaha agabkan ayaa ah 135 milyan oo shilin.
Agaasimaha guud ee Equity Group Dr .James Mwangi ayaa sheegay in ay ka go’an tahay sidii ay dowladda garab ugu siin lahayeen la dagaalanka caabuqa corona.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here