Aggasimihii dekadaha dalka oo la xiray

Aggasimaha guud ee maamulka deekadaha dalka Daniel Manduku ayaa xabsiga la dhigay.
Agaasimaha waxda dambi baarista DCI-da ee dalka George Kinoti ayaa sheegay in Mr Manduku uu ku jiro gacanta booliska isla markaana wax laga weydiin doono arrimo kala duwan.
Mr George Kinoti ayaa wargeyska Daily Nation u sheegay in maareeyaha dekedaha lagu soo oogi doono dambiyo dhowr ah oo la xiriira musuqmaasuq
Mr Daniel Manduku ayaa la filayaa inuu maanta oo talaado hortago maxkamada si uu u wajaho qandaraas la xiriira bedeecooyin oo ay la galeen waxda konteeynarrada badeecooyinka sida ee (ICD) iyada oo aan qaabka haboon loo bixin qandarasyadaasi.
Sidoo kale waxa ay wajahayaan isaga iyo saraakil kale eedeyn la xiriirta fadeexad dhan 2.7 bilyan oo shilinka dalka.
Xiritaankiisa ayaa ku soo aadaya iyada oo in kabadan 15 bilood oo baaritaan ah oo la xiriiray eedeymo musuqmaasuq ay ku socdeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here