Ahlusunna oo eedeyn u jeedisay dowladda Federaalka

Hoggaanka Ahlusunna Wal-Jamaaca ee ku biirey Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxaa ay ku eedeeyeen u jeediyeen dowladda federaalka soomaaliya.
Eedeynta ahaa ah in dowladda dhexe ay afduubatay howlaha doorashooyinka ee ka socda magaalada Dhuusamareeb.
Qoraal ka soo baxay xafiiska madaxa xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa sido kale lagu sheegay in dowladda soomaaliya ay baal martey hehsiiskii ay wada galeen.
Waxaa qoraalka qeyb ka ah in dadka reer Galmuudg laga dhigay marti oo mustaqbalkoodu uu mugdi galay oo aan wax wada tashi ah lagala yeelan dhismaha Galmudug ee haatan socota.
Ahulsunna waxay sheegtay in ay dhisi doonto maamul cusub ee Galmudug oo ka madax banaan kan ay dhisayso dowladda Federaalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here