AKHRISO:Haweyney Afrikaan ah oo tagtay wadamada caalamka oo idil

Jessica Nabongo wa gabar asal ahaan ka soo jeeda dalka Uganda balse ku dhalatay dalka Maraykanka waxayna haysata jinsiyada labada dal.
Waxaana horaan walidkeeda ay katageen dalka Uganda ayagoona u haajiray dalka Maraykanka.
Sheekada xiiso leh ee gabadhaan ayaa ah in ay tagtay wadamada caalamka oo dhan.
Axadi aan ka soo gudubnay ayay ehed markii ee booqatay dalka Seychelles kaas oo noqday dalkii 195 ay tagto uguna dambeyay.
Nabongo ayaa safarkeeda dunida caalamka biloowday iyada oo ay da’adeedu tahay 6-sano jir waxayna haatan da’adeedu tahay 34-sano jir.
Nabongo ayaa go’aansatay inay gaarto yoolka ah inay booqato dhammaan waddamada adduunka sannadkii 2017-kii, Wakhtigaasna waxay safar ku tagtay 60 waddan balse waxii xiligaasi ka dambeeyay 135 waddan ayay ku booqtaty laba sano iyo badh oo kaliya.
Safarkii ugu dambeeyay ee dalka Seychelles ayaa waxa ku wehlinaya 50 qof isugu jiro qoyskeeda iyo asxaabteeda, iyado umahad celisay asxaabteeda ku xiran barteda Instagram-ka oo ay aad uga dhax muuqato.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here