AKHRISO:SHEEKO AAD U QOSOL BADAN

Oday reer baadiye ah ayaa u soo safray magaalada bil ramadaan,
waliba iyadoo ramadaan ay tahay muunan u soo safrin magaalo wali
habeen ayuu suuqa tagay masaajid lagu tukanayo ayuu arkay markaasuu is yiri waa salaadii cishaha ee ka qeybgal oo jameecada la tuko yeena ku dhaafinee, masaajidkii buu jameecada la xirtay ileen taraawiix baa la tukanayaa odaygii isagoo yaaban ayuu la dhameystay salaadii masaajidkii markuu kasoo baxay ayuu arkay
3 oday oo is wareesanaya.
Waxaa aay ka sheekaysanayeen maciishada oo kor u kacday
Kolkaasuu intuu ku soo dhexdhacay odaygii reer Baadiyaha ahaa odoyaashii isagoo salaada la yaaban buu ku yiri!
War salaadii cishaa i imisa rakco ayaad ku ogeydeen? Markaas bay odoyaashii oo yaaban ugu jawaabeen dee 4 rakco, Markaas buu yiri hada 23 rakco bey mareysaa… kkkkkkk

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here