AL-shabaab iyo Kooxda Macawisleyda oo ku dagaalamay gobolka Hiiraan.

AL-shabaab iyo Kooxda Macawisleyda oo ku dagaalamay gobolka Hiiraan.
Wararka ka imaanaya Deegaanka Aboorey oo hoosta degmada Buulo-burde gobolka Hiiraan ayaa sheegaya inuu halkaas Maanta ka dhacay dagaal u dhaxeeya kooxda Macawiisley iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab.
Dad Goobjoogayaal ayaa warbaahinta Gudaha u sheegay in dagaalkaas uu yimid, kadib markii kooxda Macawiisley ay weerar ku qaadeen fariisimo dagaalamayaasha Al-Shabaab ay ku leeyihiinm duleedka magaalada Buulo-burte ee gobolka Hiiraan.
Ciidamo dowladda Soomaaliya oo ka baxay degmada Buulo-burde ayaa la sheegay inay gurmad ahaan uga biireen dagaalka, iyagoo garab siinaya kooxda Macawiisley oo gobolada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe kula dagaalama Xooggaga Al-Shabaab.
Dhanka kalena wararka ka imaanaya gobolka Jubada Hoose ee dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in Ciidamada Milatariga Soomaaliyaa ay xooggaga Al-shabaab Dagaal ugala wareegeen deegaan ay horay Al-shabaab ugu sugnaayeen.
Wararka ka imaanaya gobolka Jubada Hoose ayaa sheega inuu dagaalkaan ka dhacay deegaan lagu magacaabo Jadacley oo hoostaga degmada Badhaadhe kana tirsan jubada Hoose kadib markii Ciidamada Soomaaliya ay weerar halkaas ku qaadeen.
Deegaanka lagu dagaalamay oo qiyasitii 19 KM u jira degmada Badhaahde ayaa waxaa horay u maamulayay Xooggaga Al-shabaab waxana wararku sheegayaan inay halkaas hada ku sugan yihiin Ciidamada Milatariga Soomaaliya iyo kuwa maamulka Jubaland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here