AL-shabaab oo labo Cisho kadib sheegtay weerarkii Ex-Control Afgoye.

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda qarixii ismiidaaminta ahaa ee ay khasaaraha badan ka dhasheen,oo 28-Bishaan ka dhacay Isgoyska Ex-koontorool Afgooye ee Magaalada Muqdisho.
Sheegashada AL-shabaab ayaa ku soo beegmaysa Saacado ka dib markii Hay’ada Sirdoonka iyo Nabad Sugida Soomaaliya ee NISA ay sheegtay inay heleen macluumaad bilow ah oo ku saabsan inay qorshaha weerarkaas la hayd dowlad Shisheeye.
Hay’ada NISA ma sheegin Magaca dowlada qorshaysay qarixii shacabka badan ku dhinteen ee Ex-Control Afgooye.
Afhayeenka Al-Shabaab Sheekh Cali Dheere oo la hadlay Warbaahinta ku hadasha Afka Al-Shabaab ayaa sheegay in qaraxa ay iyaga ka dambeeyeen, Isla markaana ay la beegsadeen saraakiil Turki ah iyo Ciidamo Soomaali ah oo ku sugnaa Isgoyska Ex-Koontorool Afgooye ee Muqdisho.
Waxaa uu Cali Dheere qiray in qaraxa ay khasaaro nafeed iyo mid hantiyeedba ay gasoo gaareen dad shacab ah,balse aysan ula Dan aheyn lana kulmeen qaraxa,hayeeshee ay sii wadi doonaan beegsiga Saraakiisha Turkiga.
Sidoo kale waxaa uu sheegay inay sii wadi doonaan dagaalka ay kula jiraan dowladda Soomaaliya iyo dowladaha taageera,isaga oo sheegay in dadka ku dhinta ay yihiin Shahiid sida uu hadalka u dhigey.
Si kastaba Warkaan kasoo baxay Al-Shabaab oo ay ku sheegteen mas’uuliyada qarixii Isgoyska Ex-Koontorool Afgooye oo ay ku dhinteen in ka badan 100 Ruux oo u badan Shacab ayaa waxaa uu imaanayaa xilli Hay’adda Nabadsugida Soomaaliya ay Maanta sheegtay in qaraxaasi ay abaabulkeeda laheyd Dowlad Shisheeye baaritaana ku hayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here