AL-Shabaab oo saacado Kooban la wareegay Balcad

Wararka naga soo gaaraya degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxay sheegayaan in xalay degmadaasi ay weerar ku qaadeen Xubno ka tirsan dagaalameyaasha Ururka Al-Shabaab.
Dad ku sugan Balcad ayaa warbaahinta Gudaha Soomaaliya waxay u sheegeen in dagaal culus ay Shabaab degmada kusoo qaadeen, islamarkaana saacado kooban ay la wareegeen gacan ku heynta Afar Xaafadood oo ka mid ah degmada Balcad ee gobolka shabeelada dhexe.
Wararka ayaa intaas ku daraya inay jiraan dad rayid ah oo waxyeelo kasoo gaartay dagaalkaas waxaana ku jirta Haweenay ka mid aheyd dadka kunool Magaalada Balcad oo la sheegay inuu dhaawac culus oo kasoo gaaray.
Waxay kaloo Wararka sheegayaan in Al-Shabaab ay Saldhiga degmada Balcad kasii daayeen Maxaabiis ku Xirnayd wallow aysan jirin warar rasmi ah xaqiijinaya arintaas.
Ciidanka dowladda Soomaaliya ee ku sugna Magaalada Balcad iyo deegaanada kale ee Gobolka Shabeelada dhexe ayaa saaka dib ula wareegay Magaaladaasi kaddib markii ay ka baxeen dagaaladmeyaashii Al-Shabaab ee xalay weerarka kusoo qaaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here