Al-Shabaab oo sheegtay inay la wareegeen deegaan ka tirsan gobolka Galgaduud

Dagaalameyaasha Al-Shabaab ayaa waxay sheegteen inay si nabadgelyo ah kula wareegeen degaanka Ceeldheere oo ku yaalla duleedka Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug.
Degaanka Ceeldheere ayaa waxaa dhowr jeer howlgallo qorsheysan ka fuliyay Ciidamo ka tirsan qeybta 21aad ee Millateriga Soomaaliya, howlgalladaas oo ay Saraakiisha Ciidamada sheegeen inay ku dileen Xubno ka tirsan Al-Shabaab.
Al-Shabaab wararka ay ku daabaceen Baraha ay ku leeyihiin Internet-ka waxaay ku sheegeen inay xalay fiidkii si nabad ah kula wareegeen degaanka Ceeldheere oo ku yaalla inta u dhaxeysa degmada guriceel iyo Magaalada Dhuusamareb.
Saraakiisha Ciidamada Milalteriga Soomaaliya ee degaannada Maamulka Galmudug weli kama hadlin warkaan kasoo baxay Al-Shabaab ee ku aadan inay la wareegeen degaan ka tirsan gobolka Galgaduud oo muhiim u ah isu socodka Magaalooyinka waa weyn ee gobolka Galgaduud.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here