Al-Shabaab oo sii deysay labo dhakhaatiir oo u dhashay wadanka Cuba oo ay heysteen

Laba dhakhaatiir oo u dhashay wadanka Cuba oo laga afduubtay magaalada Mandera laguna haystay muddo sannad ka badan dalka Soomaaliya ayaa la siidaayay kaddib wadahadalo bilo socday.
Wasiirka arrimaha dibedda ee Cuba Bruno Rodríguez ayaa xaqiijiyay in uruka Al-Shabaab ay siidaayeen Landy Rodriguez oo ahaa dhakhtarka qalliinka iyo Herera Correa (dhaqtar guud) la sii daayay bilowgi toddobaadkan
Sida ay qortay jariidada Washington Post ee dalka Maraykanka ayaa wali caddeyn, halka la geeyay labada dhakhtar siideyntooda kaddib.
Dhanka kale waxaa sidoo kale caddeyn inay jirto madax furasho la bixiyay.
12-kii bishii afaraad ee sannadkii 2019-kii ayaa labada dhakhaatiir laga afduubatay magaalada Mandera kuwaasi oo ka howlgalayay isbitaalka weyn ee magaaladaasi.
Weerarka ay Al-Shabaab kusoo qafaasheen dhaqaatiirtan ayaa waqtigaasi sidoo kale dileen askari ilaala u haa dhaqaatiirtan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here