AL-shabaab oo weerartay Saldhigyo ciidan

Warar ka la helay ayaa sheegaya in bambaanooyin lagu weeraray Guri ku yaalla Xaafada Muuri ee degmada Walanweyn gobolka Shabeelada hoose ee Koonfurta Soomaaliya,halkaasoo uu deganaa sarkaal ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya.
Dad Goobjoogayaal ah ayaa warbahainta gudaha u sheegay in Guriga Bambaanooyinka lagu weeraray uu deganaa Taliyaha Ururka 54aad ee Ciidanka Millateriga Soomaaliya sidoo kalena ah Madaxa Amniga degmadaas,kaasoo Magaciisa lagu soo koobay Halac.
Wararka waxaay inatasi ku darayaan in weerarkaas bambaano ay ku geeriyoodeen Afar Ruux oo isugu jira askar iyo Shacab halka 7 Ruux oo kale ay ku dhaawacmeen,kuwaasoo ku sugnaa Hoyga la weeraray iyo Xaafadaha ku dhow ee degmada Walanweyn.
Maamulka degmada Walanwyen ee Goblka Shabeellaha Hoose iyo Saraakiisha Ciidamada Dowladda ee halkaa ku sugan weli wax faah faahin ah kama bixin qaraxyada xalay lagu weeraray guri uu deganaa Sarkaal ka tirsan Ciidamada Dowladda.
Wararka saaka aan ka heleyno degmada Walanweyn ayaa sheegaya in Ciidamada Dowladda ay halkaasi ka wadaan howlgallo kala duwan oo ay ku baadi goobayaan dadkii ka dambeeyay weeraradaasi bambaano.
Dhanka kale Xubno wararka ayaguna ka imaanaya gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ay saaka waaberigii hore weerar ismiidaamin ah ku qaadeen Saldhiga Ciidamada dowladda Soomaaliya ku leeyihiin degaanka Bacaadweyn ee Gobolka Mudug.
Wararka la helayo ayaa waxaay sheegayaan in Gaari nooca Soomaalida u taqaano leyla Calaawi oo laga soo buuxiyey wayaabah qarxa lagu weeraray Saldhigaas oo ay ku sugnaayeen Ciidamo ka tirsan Taliska qeybta 21aad ee degaanka Bacaadwyn.
Xubno ka tirsan Wasaaradda Amniga Maamulka Galmudug oo warbahainta gudaha Soomaaliya la hadlay ayaa waxay u sheegeen inay ka hortageen Gaariga laga soo buuxiyay waxyaabah qarxa oo ay Al-Shabaab ku weerareen Saldhiga Ciidamada ,isla markaana Gantaal lagu dhuftay gaariga ay ku geeriyoodeen dhamaan Xubnihii ka tirsanaa Al-Shabaab ee saarnaa.
Sidoo kale Mas’uuliyiintaan waxaay sheegeen in weerarkaa ismiidaaminta ahaa ay ku geeriyoodeen laba askari oo ka tirsana Ciidamada dowladda.
Guddoomiyaha degaanka Bacaadweyn ee Gobolka Mudug Axmed Daahir Macalin ayaa dhankisa warbaahinta gudaha wuxuu u sheegay in xaalada degaanka saaka ay tahay mid degan,isla markaana Ciidamada Dowladda ay wadan howlgallo kala duwan oo amniga lagu xaqijinayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here