Alexis Sanchez oo dhameystiraya Heshiiska Inter Milan

Alexis Sanchez ayaa lagu soo waramayaa inuu u duulay Italy si uu tijaabada caafimaadka ugu maro kooxda Inter Milan ka hor inta uusan amaah ugu biirin kooxda Antonio Conte.

30 jirkaan ayaa si xoogan loola xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo Inter isbuucyadii u danbeyay, waxaana la fahamsan yahay in United ay haatan amaah ku siisay ciyaaryahanka kooxda ku ciyaarta San Siro.

Sida laga soo xigtay Sky Italy, Sanchez ayaa gaaray Italy ka hor inta uusan tijaabada caafimaadka u marin Nerazzurri.

Kooxda Conte ayaa la sheegay inay kudarsan doonto lacag dhan 4.5 milyan ginni oo ah mushaharka gooldhaliyahaan inta ka dhiman xilli ciyaareedka 2019-20, inkastoo aysan jirin ikhtiyaar ay heshiis joogto ah ugu qaadaneyso xagaaga soo socda.

Sidaas darteed, talabadaan ayaa la micno ah in Utd ay wlai bixin doonto lacag dhan £ 6m oo ah qeyb kamid ah mushaaarkiisa.

Xiddiga reer Chile ayaa dhaliyay kaliya shan gool 45 kulan uu u saftay Red Devils tartamada oo dhan, iyadoo seddex kamid ah goolashaas ay ahaayeen Premier League.

Sanchez, oo weli seddex sano uga harsan qandaraaskiisa Old Trafford, ayaa horay ugu soo ciyaaray kooxda Udinese ee ka ciyaarta horyaalka Serie A.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here