Alfred Mutua oo dhaliilay go’aan maxkamadeed oo saameynaya siyaasiyiin uu isaga ka mid yahay

Barasaabka ismaamulka Machakos Dr. Alfred Mutua ayaa dhaliilay go’aan dhawaan ka soo baxay maxkamadda.
Go’aanka ayaa ah in barasaabyada ismaamullada ee doonaya inay u tartamaan xilka madaxweynanimo laga doonayo inay is casilaan 6 bilood ka hor doorashada guud .
Dr. Mutua oo ka mid ah siyaasiyiinta shaaciyay in ay sanadka 2022-ka u tartamayaan jagada ugu sarreysa ee hoggaanka Kenya ayaa arrinkan ku tilmaamay mid takoor ku saleysan.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in go’aanka maxkamadda uusan caddaalad ahayn sidaas awgeedna ay ka soo horjeedsanayaan.
Guddoomiyaha Machakos ayaa dhanka kale madaxda siyaasadeed ugu baaqay in ay is qadariyaan oo aysan wadanka dhibaatooyin amni darro u horseedin.
Sido kale waxaa uu soo jeediyay in si siman loo dhaqangeliyo amarrada dowladda ee ku saabsan isku imaatinka dadweynaha.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here