Algeria oo hakinaysa duulimaadyada Yurub

Ra’iisul wasaaraha dalka Algeria Cabdelcaziz Djerad ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay inay hakinayaan safarrada dhanka badda iyo hawada ee dhanka Yurub.
Amarkan ayaa dhaqangalaya maalinka khamiista sida lagu xusay qoraal xafiiskiisa ka soo baxay.
Shalay ayay ahayd markii Algeria ay sheegtay inay berry oo Talaado ah hakinayso dhammaan duulimaadyada lagu tago ama looga soo safro Faransiiska.
Sido kale waxaa la qorsheynayaa in diyaaradaha shirkadda duulimaadyada ee Air Algerie ay muwaadiniinta wadankaas dib u soo daabusho.
Dhanka kale Madaxweynaha dalka Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa ayaa sheegay in dalkiisa laga mamnuucay dadka ka imaanayo Mareykanka, UK, Talyaaniga iyo dalalka kale uu ka dilaacay cudurka COVID-19 ee uu sababo caabuqa Coronavirus.
Mr. Ramaphosa ayaa hoosta ka xarriiqay in 61 qof laga helay cudurka Corona gudaha Koonfur Afrika.
Sido kale wadamada Jabuuti iyo Tanzania ayaa lagu soo warramayaa inay hakiyeen duulimaadyadii caalamiga .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here