Ali Bunow Qorane oo la amray in la soo xiro

Agaasimaha waaxda dacwad oogista ee dalka Noordin Haji ayaa amar ku bixiyay in la soo xiro gudoomiyaha ama gavanaha ismaamulka Garissa Ali Bunow Korane iyo 4 sarkaal oo ka tirsan dowlad deeganakaas kadib markii lagu eedeeyay inay lunsadeen lacag dhan 235 million oo ka mid ah deeqaha Bangiga aduunka.
Mr Xaji ayaa sheegay in amarka lagu soo xirayo barasabka Garissa ay daba socoto baaritaanadii ay sameeyeen guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa (EACC) taas oo la xiriirtay ku takri falka lacagta la siiyay ismaamulka taas oo ku timid Barnaamijka Taageerada Magaalooyinka dalka.
Kadib markay soo gabagabeeyeen baaritaanadooda gudiga EACC waxay ku talisay in barasaabka iyo qaar ka mid ah saraakiisha ismaamulka Garissa lagu soo oogo dambiyo kala duwan ee musuqmaasuq ah.
Agaasimaha waaxda dacwad soo oogida ee dalka Nuur Diin Xaaji ayaa sheegay in lacagihii la siiyay dowladda Gariisa loo weeciyay meel aan loogu talagalin.
Lacagtan ayaa loogu tala galay in lagu dhiso suuqa Qorahey, dib u habeynta bartamaha wadooyinka Garissa Township , dhisida goobaha biyo mareenka iyo wadooyiin ay adeegsadaan dadka lugaynaya.
Hase ahaate waxaa la sheegay in lacagta la leexsaday intii u dhaxeysay bilihii Febraayo iyo Sebtember sanadkii hore 2019-kii.
Gudoomiye Ali Bunow Korane ayaa lagu eedeeyay inuu fududeeyay ku takrifalka lacagaha deeqda ah.
Mr Nuurdiin Xaaji ayaa ka dhawaajiyay inay jiraan cadeymo loo cuskan karo eedeymaha loo soo jeediyay Mr Qorane.
Saraakiisha kale ee iyaguna eedeymaha musuqmaasuqa ah lagu soo oogay waxaa ka mid ah madaxa dhaqaalaha Ibrahim Nur Malow, madaxa maaliyada Mohammed Ahmed Abdullahi, sarkaalka fulinta ee dawlada hoose Abdi Shale iyo madaxa xisaabaadka dawlada hoose Garissa Ahmed Abdullahi Aden.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here