Alice Wahome oo diiddan in Maxamad Badi uu ka qayb galo kulamada wasiirada

Xildhibaanadda deegaanka Kandara Alice Wahome ayaa maxkamadda gaysay dacwad ay kaga soo horjeedo amar maalmo ka hor ka soo baxay madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta.
Amarkaas ayaa ahaa in agaasimaha guud ee maamulka NMS oo loo xilsaaray maareynta shaqooyin laga wareejiyay dowladda ismaamulka Nairobi Maxamad Badi uu ka qayb gali karo kulamada golaha wasiirada.
Maxamad Badi ayaa Toddobaadkii hore la dhaariyay si uu u ilaaliyo siraha rasmiga ee golaha wasiirada.
Alice Wahoma ayaa ku doodaysa in go’aanka madaxweynaha uu sharci darro yahay sidaas awgeedna lagu tallaaba qaadi Karin.
Waxay doonaysa inay maxkamadda waxba kama jiraan ka soo qaado amarkii madaxweynaha maadaama Maxamad Badi aan loo magacaabin xil wasiir sidaas awgeedna aysan dastuuri ahayn sida ay ku doodayso inuu xaadiro kulamada golaha wasiirada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here