Amaanka Caasimada Soomaaliya oo laga shiray.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Shir gudoomiyay kulanka asbuuclaha ah ee Maamulka sare iyo gudoomiyayaasha Degmooyinka Gobolka banaadir.
Shirka ayaa waxaa looga hadlay Xoojinta amniga Caasimadda bilic soo celinta nadaafada tirakoobka guryaha iyo Wadooyinka waaweyn sara u qaadida daqliyada kala duwan dowlada hoose ee xamar iyo qodobo kale oo hormarinta Magaalada Quseeya.
Guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa Duqa Caasimada waxaay u gudbiyeen Warbixinta todobaadlaha ah ee Shaqooyinkii ay qabteen iyo Amniga degmooyinka Gobolka Banaadir heerka uu gaadhsiisan yahay.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa dhankiisa guddoomiyeyaasha degmooyinka Muqdisho kula dardaarmay inay si hufan ugu adeegaan Shacabkooda,isla markaana ka Shaqeeyaan sugida Amniga iyo Hormarinta dhamaan Kaabayaasha Muhiimka ah ee Caasimada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here