Amaanka Magaalada Dhuusamareeb oo aad loo adkeeyay

Ciidamada Booliiska Dowladda Faderaalka Soomaaliya ayaa Maalntii labaad oo xiriir ah waxaaay Magaalada Dhuusamareeb ka wadaan howlgallo kala duwan oo lagu sugayo Amniga Magaaladaas.
Howlgalka ayaa waxaa uu ahaa mid ku saasban sidii loo diiwaan gelin lahaa Gawaarida Magaalada ku sugan , kuwaasoo qaarkood Ciidamada Booliska ay muraayadaha Madow ka fiiqayeen.
Gudoomiyaha magaalada Dhuusamareeb ahna duqa Caasimada Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug Cabdiraxman Geeda Qorow ayaa sheegay in howlgallada ay yihiin kuwo amniga lagu sugayo,isla markaana Ciidamada ay soo xareeyen gaadiidka Mooto Bajaajta oo Magaalada ka Shaqeeynayay maadaama falalamaan daro ah oo halkaas ka dhacay iyaga loo aaneeyay.
Waxaa uu ugu baaqay Gudoomiyaha Gaadiidleyda Magaalada Dhuusamareeb inay ka qeyb qaataan Sugida Amniga,waxaana uu ka mamnuucay in Gudaha Magalada Dhuusamareeb Gaadiidka leh Muraayadaha Madow ay ka dhex shaqeeyaan sababp amanaka la xiriira.
Waxaa sidoo kale amarada ka mid ah dhammaan qeybaha kala duwan ee Ciidanka ay gacanta kusoo dhiggaan cid walba oo jabisa amarada lagu xaqiijinaayo Ammaanka.
Maamulka ayaa ka codsaday in bulshada ay quseeyaan qodobadani linay ciidamada kala shaqeeyaan howlaha laxariira,si loo fuliyo amararada maamulku soo saaray.
Howlgalladaan ayaa waxaay kusoo aadayaan xilli 15-ka Bishaan uu Magaalada Dhuusamareeb ka furmo Shir u dhaxeeya Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul Goboleedyada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here