Amaanka Magaalada Dhuusamareeb oo aad loo adkeeyay

Ammaanka Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamul goboleedka Soomaaliyeed Galmudug ayaa Maanta si weyn loo adkeeyay, waxaana halkaasi ka socda diyaar garowga soo dhaweynta Madaxda maamulada dalka Soomaaliya oo Bari uu halkaasi shir ufga furmayo.
Ciidamo dheeraad ah ayaa ku sugan Xaafaddaha Magaalada, waxaana sidoo kale halkaasi ka socda howlgal weyn oo Amniga lagu xaqiijinaayo.
Dhamaan wadooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa Maagaladaasi ayaa Maanta Xiran wasiirka warfaafinta Maamulka Galmudug Axmed Shire Falagle ayaana sheegay inay amaanka Magaalada si heer saraysa u diyaariyeen.
Madaxda ugu horaysa ee la laga sugayo inay gaaraan Magaalada Dhuusamareeb ayaa kala ah madaxweyneyaasha maamulada Hirshabeelle iyo Puntland waxaana Garoonka Diyaaradaha dhuusamareeb ku sugan Masuuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug ee fidiyay gogosha ay isugu imaanayaan hogaamiyeyaasha Maamulada dalka Soomaaliya.
Madaxweynaha Puntland ayaa ku sugnaa Magaalada Gaalkacyo oo uu kasoo ambabaxayo si uu dhuusamareeb u soo gaaro.
Dhanka kale Maamulka Galmudug ayaa beeniyay wara Saacadihii la soo dhaafay baraha Bulshada looga hadal haayay oo la xiriira in Madaxweynayaasha Maamulada Puntland iyo Jubbaland ay dalbadeen in Ciidamada Booliska gaarka ah ee Haramcad laga saaro magaalada dhuusamareeb.
Ciidankaan ayaa ilaa xilligii doorashada Galmudug ku sugnaa halkaas kadib markii ay Dowladda Soomaaliya geysay Dhuusamareeb oo amanakeeda ay sugayeen.
Wasiirka Warfaafinta Galmudug Axmed Shire Falagle ayaa sheegay in warkaasi aysan waxba ka jirin,isla markaana ay baahinayaan dad doonaya inay carqaladeeyaan shirka ay Galmudug marti gelisay ee dhex-mari doona Madaxda Maamul Goboleedyada Soomaaliya.
Waxaa uu sheegay in waqtigaan aysan jirin wax kalifi kara in Ciidamada Haramcad laga saaro Magaalada Dhuusamareeb,kuwaasoo ka qeyb qaata amniga Magaaladaas sidoo kalena aysan jirin cid Galmudug u soo dirtay Codsi arinkaas la xiriira ama shirka Shuruud ku xirtay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here